Maanmuslim

Maanmuslim

maanmuslim

Maanka saxda ah muslimka.

[11/01/19]   Xuska maalinta dhalashada Mawliidka waxa la bilaabay qarnigii Afraad Hijriga. Waxa ikhtiraacay boqorkii dawladda Faadimiinta ee ka talin jiray Masar.
Xuska Mawliidka iyo maalinta dhalashada boqorku waxa uu ka mid ahaa LIX dabaaldegyo oo uu amar ku bixiyey sanad kasta in la sameeyo.
Ujeeddadadu na waxa ay ahayd in uu shacabka iska mashquuliyo oo sanad kasta lix munaasibadood la isku diyaariyo.

Dawladdii Faadimiintu markay dhacday waxa maamuladii ka danbeeyay ka soo reebeen xafladda xusidda maalinta dhalashada nabiga oo aan la isku waafaqsanayn maalinta uu dhashay nabi Muxamed - Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelo - laakiinse waxa la isku waafaqsan yahay maalinta loo dabaaldego dhalashadiisa in ay tahay isla maalinta, bisha uu geeriyooday.
Ma waxa loo dabaaldegayaa maalinta uu geeriyooday?

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Dir Koonfureed oo si adag uga hadlay habdhaqanka Farmaajo ee Soomaalilaan.

Dadka deegaanka #Buurta_Kala_Jeexan ee Galbeedka Hargeysa oo ka cabanaya Muuse Biixi iyo qoyskiisa.

Djib-Live

gabadhu haday rabto in ay wiil gur sato ama wiilku hadu rabo in uu gabadh gur sado oo ay hooyada ama aabu hu diido maxay diintu ka qabta

[04/29/19]   Raxmaanka ayaa keligii wax la weydiisan karaa. Wax ba la la ma wadaajin karo.

[04/07/19]   Kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka. Waa in aynnu barannaa sidii aynnu uga badbaadi lahayn Naarta.

[12/03/17]   Bisha Mawliid iyo meherka oo keliya!
....................
Inta ay fiid cawlka ku soo beegaan safarkooda hunguriyeysan ayey duleedka reerka ku soo gaadhi jireen adhyaha la dheelminayo. Waxa ay ku soo cagdari jireen caraabaha xoolaha iyaga oo isha ka boganaya xaga loo wado adhiga ay ku jiraan neefafka ugu tunka weyn. Wanka galaalan ee badhida weyn leh, waxa uu ahaa kan ay ugu jecelyihiin. Adhiga ay ku dhex arkaan wanan noocaas ah, kambalka reerka ayey iska xaadirin jireen.
Mararka qaar na waxa dhici jiray in ay warkooga hore u dhiibtaan iyaga oo ku wargelinaya in reerku ducaysto oo waliba wan (neef) galaalan ku ducaysto. Hadda ogow waa neefkii ay isha ku soo calaamadiyeen ee adhiga ba ka dhaqaaqayey ee ugu shilisaa.
Jihada ay dabaysho u socoto ayey bootada ka fadhiisan jireen iyaga oo dhowr wadaad ah. Hugunkooda iyo sawaxanka si loo maqlo. Meerisyada Af-carabiga ah ee aanay iyagu ba garanayn balse loogu sheegay in ay nabi amaan yihiin ayey sii raacin jireen dabaysha u socota jihada reerku ka deganyahay bootada si loo moodo in ay ducaynayaan. Way dikrinayaan oo shallaadayaan marna salaado dhowr ah ayey qab ka siiyaan. Hortooda waran dheer ayey ku qotomiyeen. Kolba waxa ay daymoodaan jihada reerka iyaga oo ka dhursugaya bal in ay cidi ka soo socoto.
Waxa laga aaminsan yahay in ay yihiin culimo habaarkooda iyo ducadoodu ba meel halis ah gaadho haddii neef shilis oo mac leh loo loogi waayo. Baydadka nabi amaanku waxa uu ahaa waxa keliya ee ay ku shaqo tagi jireen, kuna soo qadhaabsan jireen xoolo iyo wixii kale ee ay helaan.
Bisha Mawliid iyo mawliidku ba waxa ay ahaayeen kuwo si xoogan loo naawili jirey sannadka oo dhan. Alla maxay jeclaan lahaayeen in sannadka oo dhan laga wada dhigo bisha Mawliid!. Meherka iyo bisha Mawliid oo keliya ayey culimo ku ahaayeen. Malafsi jeclaa aadmigu. Diinta ba labadaas ayey ku soo koobeen. Mawliidku na waa bisha keliya ee ilaa sabankan warkooga la maqlo.
Wax lala yaabo ma'aha in ay cadhoodaan oo uurkutaalo ku noqoto barashada diinta islaamku. Markii si waafi ah diintii loo bartay, waxa hufmay khuraafaad tiro badnaa oo dadka iyo duunyada ba lagu dhibi jirey. Bal se qof ay wasladi u muuqato wanaag kala war la'.
Xigasho: Cabdalla C. Faarax

[10/13/17]   WAA MAXAY CALMAANIYADDU?!

Waxa aan ka afeefanayaa in aannu ujeedkeygu aheyn in aad dad weeraro am cid gaar ah ujeedo. Laakiin, waxa aan rabaa in aad caddeeyo kalmaddan Calmaaniya. Markaa qofkii sifadan yeeshaanna way ku sifoobasaa kii aan lahayna maba lahadee! Xaqana caddeyntiisu waa mid aan bini-aadam loo daba fadhiisan!
Maqaal aan halkan idin kula wadaagey, oo ahaa ( In Heesta astaamahan leh –Anshax xumo, muusig, hablo aan asturneyn oo dhex boodaya ) kuwa faafinayaa ay yihiin kuwo (Dacaayadda culimada ku caan baxay, hadh iyo habeen. Kambal kastana lasoo taagan dacaayadda culimada, iyo aflagaadeynta ama waxka sheegga diinta suuban iyaga oo ku tilmaamaya ‘dib-u-dhac), kuwo intaas oo sifo leh ayaan si kooban usheegay iney yihiin kuwo dano gaara leh ee ayna aheyn kuwo udooddaya diin. Waxa aanan ku sifeeyey in ay yihiin (Calmaaniya.) Maadaama ay keenneen (Dacaayaddii culimada iyo iney diinta ku tilmaamaan mid aan caalamka la jaanqaadeyn, maadaama ay leeyihiin hees bilaa anshaxaa Ajarbaa laga helayaa-adna faafi aad xasanaad ka heshide). Qaar farabadan ayaa haddaba lasoo boodey : “Waa maxay Calmaaniyaddu?” Waa maxay …..?
Calmaani: waa qofka rumaysan diinta in laga fogeeyo nolasha oo dhan ama si kale hadii aan u dhigo calmaaniga waa qof aad ugu fog ku dhaqanka diinta, kana soo horjeeda wixii diin ku lug leh. Ma ila fahantey intaa. [Tusaale ahaan kuwa intan lasoo yuurura] Inguurka la dhimo oo la yareeyo dhalmada , habluhu xijaabka weyn ha tuuraan, waxaa kale oo duulkan ku sifoobeen in culimada aan majaal kaga banaanayn siyaasada oo looga baahan yahay in ay masaajida ku aruuraan iyo in ay umada u buun buuniyaan afkaarta reer galbeedka ayagoo doonaya in fikirka reer galbeedka lagu xirmo oo la isku dhaqo. ( W/Q: Maxamed Aadan )

Hankusii daree; in ay yidhaahdaan iyagoo ilbax iska dhigaya (Diintu sidan laguma dhaqmi karayee …yaakhii milix nagaga dara oo rajmigan aad sheegasaan wax kale ku baddela!…… Qofkii sinaystana yaan dadka dhexdiisa lagu jaldin bini-aadannimada ayey ka baxsantahaye iska daaya! ….sallicalee.. Oo waa maxay waddaadkan dadka xadka ha laga jaro lihi? Dadka ma addoomuu moodayaa…… Heesaha muusiga leh yaakhii waa lagu raaxeystaa… Bal eeg wadddaadkan ku leh ‘gabadhaa ha raacin muxramkaaga maahee?’ Waddaadku wuu carraboobey…… Gabadhu xor ha ahaato oo xijaabkan intey tuurto diraca khafiifa iyo shalmad ha gashato ama shaadh iyo surwaal ha xidhato!...... IWM)

Si kale aan udhigo Calmaaniyadda:
Sida ku xusan qaamuuska Mucjamul Wasiidka, Calmaaniyadda waxa laga soo dheegtay ereyga "calmi” oo ah qofka aan ku abtirsan diin.
Shareecada Islaamku waxay siisay erey bixin – waa diin la’aan iyo qofka oo rumaysan adduunyo keligeed in arrimaha lagu cabbiro. Waxay ka duushaa dadka oo loogu yeedho inay ka faa’idaystaan kuna eekaadaan aqoonta uu dejiyay aadanaha adduunkan ku unkan, iyadoo meesha ka saarta hilfahana u laabta aqoonta Rabbi lagu barto laguna ogaado xaqiis[a], cibaado na loo yaqaanno.
Calmaaniyaddu waxay geed dheer iyo geed gaaban ba u fuushaa sidii ay u kala saari lahayd diinta iyo dawladda.(Tix-raac: Mawsuuca Muyasara, degelka Dr Raaqib Asarjaani) Calmaaniyaddu way oggoshahay in qofku wuxuu doono caabudo, haseyeeshee, waxay diiddaa in diinta iyo aqoontu xidhiidh yeeshaan, iyo in dawladnimada iyo diintu xidhiidh yeeshaan. Sida Eebbe looga bartay isma khilaafaan aqoonta iyo diintu. Saynisyahankii la odhan jiray Einstein ayaa laga hayay, "aqoon aanay diini hagayn way laangadhaynaysaa, diin aan aqoon wadinina way indho la’dahay.
Nidaamkan Calmaaniga ahi wuxuu tibaaxaa in wadaaddadu ku eekaadaan masaajiddada faraha na kala baxaan arrimaha bulshada. Ma oggola in wadaadku saamayn togan iyo mid taban midnaba ku yeesho mujtamaca. Hal-ku-dhiggoodu waa: Qaysar wixiisa sii, Ilaahayna tiisa sii. Kuwa haddaba kusoo daba-gebbada mashruucyada ka waran? ( W/Q: Khadar O. jama).
Kuwo soomaalidu waayahan way soo badanayaan . intaa iyo inka bandanna way yidhaahdaan.
Cilmaaniyaddu waxa ay dadka musliimiinta ah ee diinta islaamka ku abtirsada ugu yeeraysa diin la,aan , habow iyo in ay kitaabka Quraankaa ka dhigaan mid masaajidka uun iska yaala oo lagu cibaadaysto uun oo aan laga xukun qaadan Allena waxa uu ku leeyahay aayada 85 ee suratul Baqara dhexdeeda.
أَفَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ ۚ فَمَا جَزَاءُ مَن يَفْعَلُ ذَٰلِكَ مِنكُمْ إِلَّا خِزْيٌ فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَيَوْمَ الْقِيَامَةِ يُرَدُّونَ إِلَىٰ أَشَدِّ الْعَذَابِ ۗ وَمَا اللَّهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ
(ma waxaad rumaynaysaan kitaabka badhkii kana gaaloobaysaan badhka kale, ruuxa idinka mida ee sidaa sameeya abaalkiisu maaha waxaan ahayn duli aduunyo iyo maalinta qiyaame oo cadaab daran loo celiyo mooyee, Allena ma moogana waxaad samaynaysaan) .
Calmaaniyadu uma aha nasteexo umada muslimiintaa ee waa qorshe loogu tala galay in lagu dumiyo diinta islaamka,kadib markii ay socon waayeen fikrado badan oo ka horeeyey sidii nidaamkii shuuciyada. (W/Q: Mohamed Osman)
Guntii iyo gebagebadii (Dhegahii Alleh waaniyaa waan sane) waakii Allah ku lahaa Qur’aanka aayad macnaheegu ahaa ;‘’Waani, Waanaddune wax ay anfaci mu’minintee.” Dadka fekradahaa aan kor kusoo tibaaxay aaminsan wax aan leeyahay ‘ka waantooba oo Allahiina ka baqa, aakhiraddiinana u tudha.’ Dadka kalana waxa aan leeyahay kuwa sifooyinkaa leh iska ilaaliya eyna fayraska idinku tallaaline!
Allah kheyrka ha inna waafajiyo.

Aragti xora!
Abdirazaq Sandheere

Maanmuslim's cover photo

[09/01/17]   Ciid Mubaarak Dhammaantiin. Alle ha innoo dhaafo dambigeenna. AMIIN.

Caajiska Maxaa lagu daweeyaa.

Xanuunka Wahsiga iyo Dawadiisa.

"Taasi oo dan u ahayn dalka iyo dadka. Annaga oo tixgelinayna dareenka shacbiga waxa aanu go'aansannay in dib loo xiro." Khaliil.
Waxa ka muuqata hadalkiisa in aanu isagu gaar ahaantiisa raali ka ahayn xidhidda Kiniisadda balse dantu keentay. Waxa sidoo kale ka muuqata in uu hadalkiisu yahay oo keliya dejinta xaaladda cakiran ee uu isagu abuuray taasi oo aan meesha ka saarayn furnaashaha kiniisadda. Warka furnaanshaha kiniisaddu waxa ay ahayd mid qarsoon inta aanay habartu sheegin. Taasi oo muujinaysa in uu wasiirku si qarsoodiga u ogolaaday imikana si qarsoodiya u furnaan doonto.
Wasiirka waxa keliya la aamini karaa marka uu gacantiisa ku dumiyo kiniisadda. Kiniisaddu waxa ay ka hadhay dulmigii iyo munkarkii gumaystihii, sidii loola dagaalamay ee wadanka uu uga baxay ayay ahayd in kiniisaddana loo raaciyo oo aanay ka hadhin. Wasiirku waxa uu ku dhiiraday in uu furo isaga oo tixgelinaya waxa uu ku sheegay marti wadanka joogta , waa hadal ay ka muuqato caqli xumo iyo ujeeddooyin qarsoon.

Dhegayso.

Inshaa Allah. Guul ayaa ka dambayn wax kasta.

youtube.com

Waxyaabaha Lagu Kabo Acmaasha Sh. Mustafe X.ismaacil Haaruun

youtube.com Subscribe to our channel: https://www.youtube.com/channel/UCtRgqVg2F5hBW6GX8dQKQmQ Like: Facebook https://www.facebook.com/TrueCableTV Follow: Twitter https:...

[06/23/17]   Muxaadaro qiimo badan oo lagaga hadlayo wanaagga joogtaynta camalada wanaagsan iyo sakada fidriga ayaa lagu qaban doonaa salaadda casar kadib Jimcaha maanta; Masaajidka Jaabur ee ka dambeeya Huteelka Maansoor, Hargeysa Soomaalilaan.
Fadlan ka soo qayb gal ama kala soco online.

youtube.com

Caqiidada kooxda loo yaqaan Wahaabiyada sheekh umal

Caqiidada kooxda loo yaqaab Wahaabiyada

Maanmuslim

[04/24/17]   وَلَتَسْمَعُنَّ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ وَمِنَ الَّذِينَ أَشْرَكُوا أَذًى كَثِيرًا

Sh. Maxamed oo ka hadlay xumaan ay ku kaceen dhalinyaro iskugu jirta hablo iyo wiilal.

[01/19/17]   *. Gondihiisa eegaha
*. Gedgeddoonka waayuhu
*. Garaad uma siyaadshaan
*. Guga tegay wax uma taro.

*. Aniguna gubaabtiyo
*. Xaqa gaaxintiisiyo
*. Geeraarka kama tago
*. Gardiid waa se yeelkii.

Dr-Abdulqani Beder

[01/19/17]   BEENTA MAAN FURKA IYO QALLOOCINTA DIINTA EE QORSHEYSAN

Ninka fiidyowyada lifaaqyada hoose lagula doodayo, ee qaylinaya marka beentiisa lugta la qabto, waxa la yidhaahdaa magaciisa: Islaam Buxairi.

Ninkaasi waxa uu ku doodayaa in culimadii islaamku dhammaantood 14kii qarni ee islaamku jiray aanay fahmin quraanka!

Waxa uu sheeganayaa: Inuu isagu daaha ka faydayo xaqiiqooyin qarsoonaa oo aanay culimada islaamka oo dhammi fahmin, islaamkana uu cusboonaysiinayo.
waxa uu ku baaqayaa inaan fahamka diinta culimadaas loo daba fadhiisan ee qof waliba si madax bannaan wax u baadho oo dabarka laynagu xidhay la gooyo, waa sida uu sheeganayo e

Waxa uu leeyahay annagaa ka AQOON badan dhammaan culimadii taariikhda islaamka soo maray oo laysku wada daray, oo annagaa ka CAQLI badan, oo ka FADLI badan, oo ka DADNIMO wanaagsan ! Boqolkiiba boqol maaha ee boqolkiiba kun jeer baanu intaasba kaga fiicannahay!

Waa waali casaatay haddana maddoobaatay tani !

In badan oo doodihiisa ka mid ahi waa kabkab beeno ah, oo meelo kala duwan oo kutubta islaamka ah looga soo ururiyey oo la soo googooyey, wax badan oo been ahna uu ku sii kab kabay ama loogu qurxiyey.

Waa ninka fiidyowga ka muuqda ee qaylinaya marka beentii lagu qabtay ee sida degan loo soo hordhigay.

Ninkaasi sida aad fiidyowyada ka arki doontaan quraanka inuu kor ka akhriyo iska daayoo kitaabka quraanka ah marka uu ka akhriyayo wuu jeejebinayaa, sidoo kale aqoon luuqadeed ma laha, aasaasiyaadka naxwaha ma yaqaanno, xattaa magacyada culimada xadiiska ee uu durayo si sax ah uguma dhawaaqi karo !

Waxyaalaha la yaabka leh ee fiidyowga ku jira waxa ka mid ah oo uu ku doodayaa inaanay adduunka gaalo ba jirin, gaalada quraanku sheegayna ay yihiin oo keliya kuwii Maka joogay wakhtigii Nebiga - SCW- iyana ay dhammaadeen, gaal iyo Islaamna loo siman yahay jannada iyo naarta!

Waxa uu akhriyayaa aayadda 83aad ee suuratal maa'id oo macnaheedu sidan yahay :"Dhab ahaan waxa GAALOOBAY kuwa yidhi ILAAHAY saddex ayuu saddexeeyaa"-waa kiristanka e.

Ninkani waxa uu leeyahay mar haddii weedhooda sare ay ku dhex jirto kelmadda "ILAAHAY", taasi waxa ay caddeynaysaa inay muwaxidiin yihiin oo ay Alle garanayaan !!!!

Waxa uu macalin iyo sheekh ba u yahay kuwa soomaalida ah ee qalinka u qaatay durridda iyo wax ka sheegga diinta qaayaha badan, culimadeeda karaamada leh iyo muslim waynaha soomaaliyeed ee Islaamnimadooda ku adag.

Bal ninkaa aan Quraanka akhriyi karaynin ee waxa meeshan ku jira ku hadlayaa kuwa uu isagu sheekha u yahay MAAN FURNIDOODU waa noocma? diinta ay dadka u saxayaan waa tee?

Adduunyahadan mijaha loo rogee madaxi hooseeyo !

Adigaan kuu daayey akhristow, fadlan nala wadaag faalladaada, u gudbi mawduucan cid kasta oo ka faa'iideysan karta.

Lifaaqyada fiidyowyada commetka hoose ka eega
Dr-Abdulqani Beder

[12/30/16]   أصبحنا وأصبح الملك لله والحمدالله...

In ciyaaro noocaas ah loo qabto gabdho Soomaaliyeed waa fikrad shisheeye. Taasi waxa markhaati kuugu ah cidda maalgelinaysa. Waxaana hirgelintiisa iska leh inta siyaasaddoodu tahay “Maxaan cunaa”, oo ah kuwa ugu badan ee dal dumisnimada ku caan baxay.

[12/21/16]   U dabbaal degga mawliidka Nebi Ciise ! – xaqiiqooyin sharci ah.

1- Sida aan u rumeysnahay nebinimada iyo risaalada Nebi Muxamed- Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- ayaan u rumeysnahay Nebi Ciise-CS- inuu yahay addoon ka mid ah addoomada Alle, ergeygii Alle iyo kelmaddiisii uu riximka Maryama ku tuuray, kana mid yahay shanta Nebi ee anbiyada Alle ugu fadliga badan.

2- Sida ay taariikhda dhalashada Nebi Muxamed u tahay taariikh male awaal ah oo aan si kama danbeys ah laysugu raacsanayn bishii uu dhashay iyo tiradeedii toona, inkastoo laysku raacsan yahay maalintii uu DHINTAY INAY AHAYD 12-KA BISHA MAWLIIDKA, OO AH MAALINTA LOO DABBAAL DEGO !, ayey dhalashada Nebi Ciise na u tahay male awaal aan laysku raacsanayn si kama danbeys ahna loo hubin karin.

3- Isla sida aanay u dabbaal degidda Nebi Ciise diin u ahayn, ayey u dabbaal degidda dhalashada Nebi Muxamedna u tahay bidco aan diinta sal ku lahayn.

4- Dadku marka ay dhaqanka diineed ee saxda ah ka fogaadaan, shaydaanku waxa uu meeshii banaanaatay ugu buuxiya khuraafaad diin loo ekaysiiyey oo bidco iyo shar miidhan huwan.

5- Ka qayb gelidda xafladaha kiristaanka iyo u tahniyadeynta gaaladu way reebban tahay sharci ahaan, waana xaaraan iyo denbi weyn oo kabiira ah.

6- Qofna hawgu hambalyeyn gaalnimadiisa, inuu muslimnimo kuugu hambalyeeyey maalintii ciiddaada kuuma banneynayso inaad gaalnimadiisa ku bogaadiso.

7- Qodobka sare ee shanaad waa masalo ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin, oo aanu wax khilaaf ahi ku jirin, Imaam IbnalQayim Aljawzi waxa uu ku xusay kitaabkiisa “Ahlu dimma” “in qofka gaalada ugu tahniyadaynaya ciidda dhalashada ciise uu yahay qof denbi wayn oo xaaraan ah ku dhacay, hadduuba ka baaqsado gaalnimo, sidaasna waxa yeela kuwa aanay diintu agtooda qiimaha ka lahayn”.

Fadlan share dheh qormadan, kuna mention garee cid kasta oo aad uga baqayso inay masaladani hoos marto si aad denbigaas uga badbaadiso.

Allahayow tubta toosan iyo toobadda nagu toosi- Aamiin dhe.

Dr-Abdulqani Beder- 21/12/2016

Dhacdo Mucjiso Badan Oo Ka Dhacday Magaalada Burco.

[12/19/16]   Garnaqsi iyo musaalaxo
==================
1. Fulaygii xumaha faafin jiray, faagayoo cararye
2. Fareennimadi iga faasaxyoo, faalladii xidhaye
3. Wada fiige nimankii fidnada, faaradeyn jiraye
4. Fagaaraha kuwii soo fadhiyey, faagte waayadane
5. Maankii furnida sheegan jiray, foojaruu dhalaye
6. Figta sare adoon fuuli karin, faraska baarkiisa
7. Faska loolka adigoon aqoon, ama fallaadheynta.
8. Faqa hoose mooye taladu foori ma ahayne
9. Nin faruuran baa miim fasiray, waa fal aan dhicine
10. Fallaadhaha cadceeddaan bakhtiin, waa fariidnimo
11. Isma laha faduulnimada iyo, waan fadlinayaaye
12. Iska fooxso oo faalka rido, hays fannaanikhine
13. Faynuuska hoos hoos u shido, qari fariintiisa
14. Haddii kale filkiisii lahaw, foolka qalinkaaga.

Mudane Basheow muddo hal sanno ka hor ku siman ayuu akoonkaygan weji buuggu ku xidhmay 5000 oo friend, ha ahaatee beryo dhoweyd ayaan dareemay inuu si joogto ah isu dhimayo oo asxaabta qaarkood baxayaan, waxaan u qaatey inay yihiin dad xisaabtooda iska xidhay oo tirtiray, isla markaasba dadka kunka ka badan ee codsigoodu kuyuuga ku jiro ayaan soo hal horayey.
Maalmo dhoweyd ayaan ogaaday in koox ka mid ah qolyaha afkaarta gurracan faafiya ee MAAN-CAABUD ka ah, oo hore degelkan aannu doodo kooban isugu dhaafsannay amaba meelo fog iska tuurtuuray ay degelkayga ka firdhadeen oo saaxiibtinimadii iga saareen !.

Maan jeclaysan tallaabadaas, waayo saaxiibtinimadooda laba arrimood ayaan ku qabay:
1- Waxa aan isku deyi jiray inaan gurracooda si toos ah ama dadban u saxo, taas waxa aan rajeynayey inay iyaga anfacdo ama cid ku dagmi lahayd wax u bidhaamiso.
2- Waxa aan ogaan jiray heerka ololahooda belaysani marayo iyo wadiiqooyinka ay adeegsanayaan, taasina waxa ay iga caawinaysay inaan sida ugu habboon uga fal celiyo.

Iyaguse waa fulayo, aan doonayn in aragtidooda lagala doodo, sidoo kalena aan aqbali karin inay cid kale wax ka dhegaystaan, waxaaban xasuustay sheekadii gaaladii qureysheed ee qorshahooda istiraatiijiga ah ee ay dacwadda Nebiga-scw- kaga hortegayaan ku dhisay :”In dhegaha la gufaysto oo aan hadalka Nebiga la maqal, si aanu maskaxda caafimaadka qabta ugu duxin oo saameyn ugu yeelan”.
{وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَسْمَعُوا لِهَٰذَا الْقُرْآنِ وَالْغَوْا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَغْلِبُونَ} فصلت: 26.

Waar niman yahow isma qabato, dood iyo fikir baannu ku baaqaynaa iyo waanu baqo cararaynaa.

Taladeydu waa toosintiinna.

Dr-Abdulqani Beder

Want your place of worship to be the top-listed Place Of Worship in Hargeisa?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Videos (show all)

Caajiska Maxaa lagu daweeyaa.
Arnoud van Doorn-ka cusub

Location

Address

Soma
Hargeisa
Other Hargeisa places of worship (show all)
Dacwadii Rasuulka Scw Dacwadii Rasuulka Scw
Hargeisa 150 Street
Hargeisa

Faafinta Dacwadii Rasuulka SCw Iyo Kashaqaynta Diinta Islamka Waxaad kalo kalasocon karta page kan Noloshii saxaabada Rasuulka Scw iyo siday u nolan Mirren Page Ka Dacwadii Rasuulka Scw ku xidhnoow markasta nagalana Shaqay diinteena Islam ka insha allaa

Maxamed mooge village Maxamed mooge village
Qalinle Street
Hargeisa

wellcome to maxamed mooge village hargeisa

مسجد دار السنة -  Masjid Daaru Sunnah مسجد دار السنة - Masjid Daaru Sunnah
150 Street, Hargeisa
Hargeisa

waa page-ka rasimiga ah ee masjidka Daaru-Sunnah الصفحة الرسمية

Machadka Al_Dacwah Machadka Al_Dacwah
Hargeisa, HARGAISA

شعارنا كما قال ربنا عز وجل :- ¤ "ادعو الى سبيل ربك بالحكمة والموعظة الحسنه"

My engneering abokor aided ibraahim My engneering abokor aided ibraahim
Hargeisa
Hargeisa, 15383380

haday midhahaba qaldeen laxankana maroor sheen iska isticmallen facebook ay micnihiisa ilaabeen iska caayeen freindska